Wiil Soomaali ah oo xalay lagu dilay wadanka Koonfur Afrilka

0

 Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Cape Town ayaa sheegaya in rag hubeysan toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi.

Toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda lagu magacaabo  Elsies River iyadoo muwaadinka la toogtayna magaciisa lagu soo kooban Ilyaas.

Gaari uu watay oo sidoo kale ay la saarnaayeen saddex kale oo dhalinyarro ah  ayaa la sheegay in rasaas huwiyeen rag hubeysan loo maleynayo in ay ahaayeen burcad.

Sidoo kale waxaa soconaya  baaritaanno iyo baadigoob ciidamada Booliiska xaafadda uu dilku ka dhacay ay ugu jiraan kooxdii ka danbeysay, kuwaa oo ilaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigin.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii dambe kusoo badanayey weerarada ka dhanka ah Soomaalida iyo boob loo geysanayo goobaha ganacsi ee ay ku leeyihiin gudaha wadankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here