Antonio Guterres oo war kasoo saaray xiisada ka taagan magaalada Muqdisho

0
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu ka walaacasanyahay xaaladda Soomaaliya, kaddib dagaalladdii Axaddii ka dillaacay magaalada Muqdisho.

War-murtiyeed ka soo baxay afhayeenka Xoghayaha Guud Stephane Dujarric ayaa qornaa sidan:-

“Xoghayaha-Guud wuxuu aad uga walaacsanyahay iska hor imaadyadii hubeysnaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho. Wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisa ah in dhamaan saamilayda Soomaaliyeed ay ka joogsadaan rabshado dambe oo ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wadahadal iyo isu-tanaasul.

Xoghayaha-Guud wuxuu ku boorinayaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay si dhakhso leh dib u billaabaan wada-xaajoodyada isla markaana ay gaaraan heshiis ku saleysan Hanaankii Doorashada ee 17kii Sebtember iyo soo-jeedintii Baydhabo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here