Aqriso: Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Agaasimeyaal cusub

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Agaasimeyaal cusub u magacaabay wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Caafimaadka.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaandhigga loogu magacaabay Xasan Maxamed Saciid Samatar, halka Agaasimaha duud ee Wasaaradda caafimaadka & daryeelka Bulshada loo magacaabay Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Madaxda la magacaabay  faray inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here