Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee qaban-qaabada xuska todobaadka xorriyadda

0

Xuska toddobaadka maalmaha xorriyadda ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka guddiga qaban-qaabada xuska todobaadka maalmaha xorriyadda ee uu magacaabay ra’iisul wasaaraha XFS oo ku gudo jira diyaarinta goobaha munaasabaduhu ka dhacayaan ayaa hawshoodu maraysaa heer gabo gabo ah.

Suuqyada magaalooyinka waaweyn ayaa laga dareemayaa saxmada maalmaha xorriyadda sidoo kale wadooyinka ayaa lagu arkayaa sameecadaha iyo shaashadaha lagala socon doono xafladdaha xuska toddobaadka maalmaha xorriyadda,xarumaha muhiimka ah sidoo kale wadooyinka waaweyn ayaa lagu arkayaa calanka Soomaaliya oo si farshaxamaysan loogu sawiray goobaha qaarna la dul suray.

Toddobaadka maalmaha xorriyadda Soomaaliya ayaa ka bilowda 26-kii June 1960 oo goboladii waqooyiga ka hoos baxeen xukunka maxmiyadii Boqortooyadda ingiriiska,ka dib markii halgan xornimo u dirir boqortoyadu kala kulantay shacabka deeganadaas oo uu hormuud u ahaa xisbi Siyaasadeedkii ugu horeeyey oo la Aasaasay dhulka Soomaalida sanadii 1935 ee SNL, halka gobolada koonfurta xorriyadooda ka qaateen 1-Julay 1960, Gumaystihiii Talyaaniga, dalka Jabuuti yahay goobtii ugu dambaysay ee dhul Soomaaliyeed xorriyad qaadata iyadoo maalinta 27-June 1977 xorriyadooda ka qaatay Gumaystihii Faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here