Bulshada Soomaaliyeed oo looga digay qatarta cudurka Covid-19

0

Maamulka Isbitaalka Martiini ayaa uga digay bulshada in aad looga taxadaro faafitaanka cudurka COVID-19 inta lagu jiro damaashaadka Ciidda.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ayaa bulshada Sooamaliyeed uga digay faafidda cudurka COVID-19 oo ay keeni karto isu imaatanka iyo booqashada ehelada maalmaha ciidda ee beri ku began.

Dr Cabdirisaaq ayaa sheegay in cudurka uu weli ka jirto dalka, isla markaana uu maalin kasta dad horleh uu ridanayo, loona baahayo in shacabka ay ka digtoonaadaan oo ay raacaan habraacyada saxda ah ee looga hortagayo cudurka.

“Maadaama uu weli ka jiro dalka xanuunka Corona Virus ayna weli u soo dhacaayaan bukaano cusub, in la ilaaliyo habraacyada xanuunkan looga hortagayo, dadku iyaga oo ciidaya oo damaashadayo yaysan iloobin Af-xirashada (face mask) sidoo kale kala fogaanshiyaha, gacmo dhaqashada iyo isticmaalka jeermis dilaha”. Ayuu yiri Dr Jalaalu-diin.

Agaasimaha ayaa hambalyo u diray dhamaan kalkaaliyeyaasha caafimaadka Soomaaliyeed xuska maalinta caalamiga ah ee kalkaaliyeyaasha awgeed, isagoo xusay in Kalkaaliyeyaasha ay yihiin lafdhabarka adeeg bixinta caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here