Ciidamada milatariga oo laga saarayo magaalada Muqdisho

0

Maanta ayaa la filayaa in ciidamada isku horfadhiyey magaalada Muqdisho ay dib ugu noqdaan xeryahoodii, kaddib markii shaley Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu booqday goobaha fariisinka u ahaa ciidamadan.

Waddooyinkii magaalada ayaa laga qaaday dhifeysyadii carada ahaa, waxaana saaka la dhameystirayaa howshaas sida u sheegey Gaashaanle Diini Rooble Ahmed  oo ah afhayeenka ciidamada dowladda ee la baxay Badbaado Qaran.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli ay horey magaalada Muqdisho uga dhaceen qalalaase xoogan oo ka dhashay is qab qabsiga weli ka taagan arrimaha doorashooyinka, balse waxaan socdo dadaallo lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here