Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyey gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen duleedka degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ku fashiliyeen qaraxyo miino, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska milatariga Soomaaliya.

“Howlgal amni xaqiijin ah ayey sameeyeen ciidamada gaarka u tababaran Xoogga Dalka ee Gorgor waxa ay soosaaeen 4-Miino oo loogu aasay inta u dhaxeysa Awdheegle iyo Bariire, si gaar ahaan Tuulooyinka Balow iyo Nuunaay,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska ciidamada milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howl-gallada ay ka wadaan gobollada Shabeelooyinka, iyaga oo la wareegay deegaano horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here