Daawo: Wareysiga madaxweynaha JF Soomaaliya uu siiyey Shabelle

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wareysi gaar ah oo soconayey saacad ka badan siiyey telefishinka caalamiga ah ee Shabelle, isaga oo uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wareysigan oo dhinacyo badan taabanayey ayaa madaxweynaha waxa uu kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale fashilka ku yimid wada-hadalladii ka socday Teendhada Afisyooni.

Sidoo kale madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa soo hadal qaaday muddo kordhinta uu u sameeyey baarlamaanka, kadibna uu isagu si deg deg ah ku saxiixay.

Waxaa sidoo kale madaxweynuhu ka hadlay eedeynta uga imaaneysa dhinaca mucaaradka, gaar ahaan inuu yahay kaligii-taliye, isaga oo fasiraad ka bixiyey eraygaasi, kadibna dalbaday in loogu yeero magac kale.

Halkan hoose ka daawo wareysiga oo dhameystiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here