DF Soomaaliya oo shaacisay in hubkii ugu badnaa ay ka soo furatay Al-Shabaab

0

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Tareedisho oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkaas ay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen khasaare xoog eh, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 25 dagaalame, sida uu hadalka u dhigay.

Tareedisho ayaa sidoo kale tilmaamay inay Al-Shabaab kasoo furteen hubkii ugu badnaa, kadib markii ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay ku lahaayeen inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqse ee gobolka Hiiraan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay kordhiyeen howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here