Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiisay talaalka Covid-19

0

Wasiirka Wasaaradda Cafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Fawziya Abiikar Nur ayaa Maanta Tallaalka SINOVAC oo ka mid ah Talaalada ka hortaga Caabuqa Covid-19 ka guddoontay Safiirka Dowladda Shiina u fadhiya Soomaaliya Qin Jian.

Tallaalka ayaa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cabdulle Cismaan waxaaana Munaasabdda lawareegidda Talaalka goob Joog ka ahaa Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Fowzia Abiikar Nuur, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta  Cismaan Abuukar Dubbe, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macalin iyo Madax ka socotay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradda Arimaha Dibidda Iyo Agaasimayasha Wasaaradda Caafimaadka.

Tallaalka SINOVAC ee maanta soo gaadhay Dalka ayaa dhan 200,000 doos oo la rajeynayo inay qaataan ilaa 100,000 qof oo u kala qaadan doona dooska 1aad iyo dooska 2aad

Wasiirka Waasaradda Caafimaadka ayaa  mahadcelin u jeedisay Dowladda China iyo Ambassador Qin Jian, Dowladda Shiinaha ayaa siinaysa Talaalkan ilaa 53 Dal oo ay ku jirto Soomaaliya.

Tallaalka Sinovac ayaa Soomaaliya ka caawin doona ka hortagga COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here