Duqa Muqdisho oo kormeer ku tegay deegaanka Jaziira + Sawirro

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer ku tagay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho halkaasi oo isku dhac uu ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo kooxo halkaasi dhibaato ugugaysan jiray Shacabka.

Duqa Muqdisho oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, Nabadsugidda iyo Milatariga Soomaaliya, ayaa waxa uu laamaha Amniga kaga Mahadceliyay sida ay uga dhiidhiyeen in deegaankaasi lagu dhibaateeyo shacabka oo dhac loogu geysto, isaga oo sheegay in aan marnaba la aqbali doonin dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.

Duqa muqdisho ayaana ugu baaqay shacabka qeybahooda kala gedisan in ay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka si loogu guuleysto kooxaha u jooga dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here