Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho Xuseen Jilicow Aadan oo ka warbixiyey qarax miino oo ka dhacay xeebta deegaankaas, ayaa sheegay in uu falkaasi ku dhintay askari ka mid ah kuwa ilaalada ka ah bar-koontarool oo laga galo xeebta deegaanka Jaziira.

Xuseen Jilicow ayaa xusay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu  aaso oo la geliyay meel u dhaw koontaroolka ciidanka, waxaana uu intaa ku daray in howlgallo ay ciidamada sameeyen gacanta lagu soo dhigay labo qof oo lala xiriirinayo falkaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

“Saaka shantii saac ayaa goob ay ciidamada ka ilaaliyaan amniga deegaanka oo ku yeela Baqal iyo Xawaaloow ayaa waxa lagu qarxiyay miino oo la geliyay dhulka, hal askari ayaa nooga shahiiday, wax dhaawac ahna ma jiraan, Ilaahey ha u naxariisto askari dhintay isaga oo gudanaya difaaca dalkiisa ayuu dhintay” ayuu yiri Guddoomiye Xuseen Jilicow.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in ciidamada ay joogteynayaan howlgallada lagu xaqiijinayo nabad-gelyada deegaanka Jaziira, isagoo intaa ku daray inaysan ka niyad jebi doonin ka hortegga weerarada Al-Shabaab,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here