Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay Beledweyne

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay galbeedka magaaladaasi, kadib markii ay labada dhinac isku qabteen muran ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xiisadaasi ay ku baxeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kuwaas oo ciidamo geeyey goobta lagu dagaalamay.

Xaaladda haatan degan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi iyo xiisada u dhexeysa labada maleeshiyo beeleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here