Faah faahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay degmada Wanlaweyn

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo khasaare geystay ayaa ka qarxay xaafadda Muuri ee degmadaasi, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha degmada Wanlaweyn iyo sidoo kale ku xigeenkiisa dhanka arrimaha bulshada.

Labada mas’uul ayaa waxaa lagu soo warramayaa in maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhexeeyey khilaaf dhinaca maamulka ah, kaas oo ugu dambeyn sababay inay ku dhex-dagaalamayaan gudaha degmadaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan waxaana weli is horfadhiya ciidamada labada dhinaca ee ku dagaallamay halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here