Faah faahino kasoo baxaya dilal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Nuuraadiin, sida ay innoo sheegeen ilo dad deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilkaasi uu fuliyey nin ku hubeysnaa bistoolad, kaas oo la sheegay inuu ahaa askari, isaga oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Sidoo kale degmada Dayniiel ayaa lagu soo warramayaa in xalay kooxo burcad ah ay ku dileen wiil kale oo dhalinyaro ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Jabriil Cabdi Aadan, iyaga oo ka qaatay taleefoon uu watay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilalkaasi xalay siyaabaha kala duwan uga dhacay degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uga dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida qaraxyo, dilal qorsheysan iyo dhac xilliyada habeenkii ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here