Faah faahino kasoo baxaya weerar xoogan oo ka dhacay magaalada Baydhabo

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in weerar xalay ka dhacay magaalada ay ku dhinteen labo qof halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan shan qof oo kale.

Weerarka oo ka dhacay bar koontarool oo ku taalla xaafadda Berdaale ayaa la sheegay in lala beegsaday ciidan joogay Isgoyska Boqoleyda ee xaafaddaas.

Dadka dhaawacmay oo ay ku jiraan carruur ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka magaalada. Waxaa la sheegay in dadka dhaawacmay qaarkood ay rasaasta gurigooda ugu tagtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here