Ganacsade Soomaali ah oo meydkiisa laga helay Nairobi, kadib markii la waayey

0

Ehelada nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo la waayey 13 bishan, ayaa xaqiijiyey in maydkiisii laga helay meel duur ah oo ku taal Mwea ee gobolka Kirinyaga oo Nairobi u jirta 180 km.

Waxay intaa ku dareen in meydka marxuum Bashiir Maxamed Gaboobe laga helay meel duur ah ka dibna la geeyey qolka maydka ee magaaladaas Mwea, waxaanay sheegeen in maydka ay ku yaaleen rasaas iyo nabarro kale oo jidh dil ah.

Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka haa shirkad gacansi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweynna ka wadday dalkan Kenya.

Bashiir Maxamuud ayaa muddo todobaadyo ah la la’aa meel uu jaan iyo cidhib dhigay, balse waxaa maalmo yar kaddib waayitaankiisii duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here