Gudigga Qaranka ee Tacliinta Sare oo si deg deg ah ugu yeeray Jaamacado

0

Ogeysiis ka soo baxay Gudigga Qaranka ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta ee Soomaaliya ayaa lagu lagu wargeliyey qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka inay sida uga dhaqsiyaha badan ula soo xariiraan gudigga, si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda.

Qoraalka guddiga waxaa lagu sheegay in tani ay tahay fursadii ugu dambeysay oo ay jaamacadaha loo yeeray heystaan, maadaama afar jeer oo hore loo yeeray, sida uu cadeeyey guddigu.

“Waxaa lagu wargelinayaa Jaamacadaha magacyadooda hoos ku xusan yahiin in ay sida uga dhaqsiyaha badan kula soo xariiraan gudigga Qaranka Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta XFS si loo dhameystiro habraaca diwaangelinta aqoonsiga Jaamacadooda maadama ay gudigga Qaranka Tacliinta sare la xariireen mudu 4 jeer ah kana soo jawaabi waayeen xariiradii lala sameeyay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkan ka soo baxay Gudigga Qaranka ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan u sheegeynaa Jaamacadaha magacyadooda liiska ku qoran yahiin in ay tahay fursadii ugu danbeysay ee ay hesytaan kuna imaadaan sida ugu deg dega badan xarunta dhexe ee gudigga Qaranka Tacliinta sare uu ku leeyahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare XFS km5 Zoobe.”

Hoos ka akhriso Liiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here