Is-miidaamin ka dhacday Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamiin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay maqaayad lagu shaaxo oo ku taalla bartamaha magaalada, xilli ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Baay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in qaraxaasi uu ka bad-baaday guddoomiyaha gobolka, Cali Wardheere Dooyow, balse waxaa waxyeelo ay soo gaartay qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad kale oo shacab ah.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay qaraxan, iyada oo ay ku dhaawacmeen 6 kale oo isugu jiro askar iyo dad kale oo shacab ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed oo howl-gallo kooban ka sameeyey meesha ay wax ka dhaceen.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here