Liiska xubnaha Cabashada laga muujiyay ee guddiyada doorashada oo la shaaciyey

0

Guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta xubnaha cabashada laga qabo ee Guddiyada Doorashooyinka oo soo bandhigay magacyada xubnaha ay cabashada ka muujiyeen dhinacyada siyaasadeed iyo noocyada cabashada laga muujiyay.

Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Eng.Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in guddigu ay shaqo bilaabeen, lana kulmeen dhammaan dhinacyada siyaasadeed oo u soo gudbiyay xubnaha ku jira guddiyada doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Dowlad-goboleed ee ay cabashada ka muujiyeen.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaaruhu u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa sheegay inay soo gaareen 67 xubnood.

“Sida Wasiirka sheegay guddigeenu waxa uu maanta guda galay ka shaqeynta, shaqadii loo xilsaaray oo ahayd sidii xal looga gaari lahaa, loona hubin lahaa cabashooyinka ka jira Guddiga maamulka doorashooyinka labada heer iyo kan khilaafaadka, shaqada koowaad ee aan bilowbay waxay ahayd arruurinta liisaska guddiyada ee cabashada ka jirto, ilaa iyo hadda waxaa na soo gaaray oo aan heynaa 67 xubnood oo saddexda guddi ku jirta.” Ayuu yiri Wasiir Alcadaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here