Maamulka gobolka Banaadir oo heshiis la saxiixday hay’ad caalami ah + Sawirro

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta la saxiixday heshiis Wada shaqeyn dhanka Caafimaadka ah Hey’adda Cesvi.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar Dr Maxamed Cadow oo u saxiixay Maamulka Gobolka Banaadir heshiiska ayaa kaga mahadceliyay hey’adda Cesvi sida joogtada ah ay wax uga qabtaan hormarinta adeega Caafimaadka ee gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waday dadaalo wax badan looga qabanayo howlaha la xiriira Arimaha bulshada isla markaana muhiimka u ah Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho sida Waxbarashada iyo Caaafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here