Mareykanka oo boogaadiyay Rooble iyo Maamul Goboleedyada

0

Mareykanku wuxuu si dhow u eegayaa ballanqaadkii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee 28-kii April oo ku aaddanaa inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17, isla markaana uu si dhakhso leh dib u billaabayo wadahadalkii hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

War saxaafaded ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo baarlamaanka inay si deg deg ah uga howl-galaan baabi’inta hindise sharciyeedkii muddo kordhinta ee 12 April.”

Mareykanka ayaa soo dhaweeyay, islamarkaasina bogaadiyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooblee iyo hoggaamiyayaasha maamullada diidmadooda ku aaddan muddo kordhinta.

Bayaankan ayaa lagu yiri “Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya inay si deg deg ah u kulmaan, si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17.”

Mareykanka ayaa ugu yeerey hoggaamiyayaasha siyaasadda in danta Soomaalida darteed inay meel iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala fikir duwanaanshiyahooda, ayna si daacad ah oo tanaasul iyo shuruud la’aan u wada hadlaan.

Ugu dambeyn Mareykanka ayaa ugu baaqay ciidamada Soomaaliya iyo kooxaha kale ee hubeysan inay dib u gurtaan oo ay oggolaadaan in wadahadallada siyaasadeed ay dib ugu bilowdaan jawi ka caagan rabshado iyo cagajugleyn.

“Rabshadaha oo sii socda ayaa waxay noqon doonaan kuwa uun kaliya u adeega inay xaaladda uga sii darto shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here