Mas’uuliyiin ka tirsan K/Galbeed oo ka qeybgalay aaska caruurtii lagu dilay Baydhabo

0

Wasiiro ka tirsan koonfur galbeed ,ayaa manta ka qeybgalay aaska laba caruur ah walaalo ah oo saaka aroortii meydkooda laga heley duleelka Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Caruurtaasi oo kala ahaa Cabdul-mudcim Aweys C/laahi oo 9 sano jir ah iyo Aamina Aweys C/laahi oo 7 sano jir ah ayaa warku intaa ku daray in meydka jirkooda uu ka muuqday dhaawacyo toorey ah oo loo adeegsadey,isla markaana lala baxay xubno muhiim ah.

Caruurtaasi ayaa lagu waramay in ay gurigooda ka maqnaayeen  in ku dhow labaatan saac sida uu xaqiiqijey Aabaha caruurtaaso oo ah Aweys C/laahi.

Aaska caruurtaasi waxaa sidoo ka   qeybgalay kumaaan dad weyne  ah oo isugu tagey khabuurah ku yaalla duleedka Magaalada Beydho.

Wasiirada Warfaafinta,Caddaaladda,Atimaha Gudaha oo ka qeybgalay aaskaasi ayaa cambaareeyay falkaasi waxashnimada ah,waxayna sheegeen in sharciga la horkeeni doono ciddii ka dambeysay falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here