Maxaa ka jira in xil ka qaadis lagu sameyn rabo ra’iisul wasaare Rooble?

0

Golaha shacabka ee barlamaanka Soomaliya ayaa beeniyay wararka baraha bulshada la isla dhex marayay ee ah in uu jiro qorshe Xilka looga qaaday Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaa Shacabka Soomaliyeed la Wadaagaya in ay been abuur tahay wararka Lagu Daabacay baraha bulshada oo ah In maalinta Sabtida Xil Ka Qaadis Lagu Sameynayo Ra’isal wasaaraha XFS”.

“Waxan Umadda Soomaliyeed uga digayna in ay Ka fogaadan Wararkaas Been abuurka ah,” ayaa lagu yiri qoral la soo dhigay barta Facebook ee Golaha Shacabka Soomaaliuya.

“U Jeedada Kulanka wuxuu yahay In Maalin Sabtiga, 1 May, uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hor imaan doono Mudanayaasha Golaha Shacabka’,’ waxaa sidaas sheegay Cabdikarim xaaji Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here