Maxay ka wada-hadleen guddoomiye Cabdi Xaashi iyo dhiggiisa dalka Pakistan?

0

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlaamka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa kulan qadka Taleefanka ah la yeeshay dhigiisa dalka Pakistaan Sadiq Sanjrani waxa ayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Pakistan Sadiq Sanjrani ayaa casuumad rasmi ah oo ku tagayo dalka Pakistaan u fidiyey dhigiisa dalka Soomaaliya Cabdi Xaashi si loo xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada baalamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa aqbalay casuumaada uga timid dhigiisa dalka Pakistan waxa uuna si diiran usoo dhaweeyey casuumad loo fidiyey , asaga oo xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Kulankaan qadka taleefanka ah ee u dhaxeeyay labadaan mas’uul ayaa daba socday kulan dhinacyo badan taabanayay oo malinnimadii jimcaha ahayd  ku dhaxmaray magaalada islamabad ee caasimada dalka pakistan danjiraha Soomaaliya ee dalka Pakistan Khadiija Maxamed Al-maqzuumi iyo gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Pakistan Sadiq Sanjrani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here