Nairobi: Ganacsade Soomaali ah oo nolol iyo geeri lagu la’yahay

0

Bashiir Maxamuud oo ah ganacsade ayaa muddo todobaad ah la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay, balse waxaa labo maalmood kahor duleedka magaalada laga delay gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay.

Bashiir oo ah Soomaali Mareykan 35 sano jir ah, ayaan ilaa iyo hadda lagu heynin nolol iyo geeri.

Ninkan oo ay qareennadiisa ku sheegeen inuu yahay qof furfuran ayaa waxaa la sheegay in kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya.

Taliyaha booliiska xaafadda Kabete ee magaalada Nairobi, Francis Wahome, ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in ay su’aalo weydiiyeen dhowr qof oo markii ugu dambeysay xiriir la sameeyay ganacsadahan injineerka ah.

Cabdullaahi Xasan oo ah qareenka Bashiir ayaa  sheegay in markii ugu dambeysay ee ganacsadaha la arko ay ahayd 13-kii bishan May, markaas oo kaamiradaha wax duuba laga arkay isaga oo xilli maqribadii ah ka sii baxaya maqaayad lagu magacaabo Miale.

“Mar ayuu isku dayay inuu xaaskiisa waco, wuu ka go’ay telefoonka, way walwashay, marka waa la raadiyay labo maalin dhan ayaa la raadinayay, kaddib waxaa la helay sawirro laga soo qaaday gaari nooca Range Rover ah oo lagu gubay meel Kibiku la dhaho, markaas ayuu walwal na galay,” ayuu yiri qareen Cabdullaahi.

Wuxuu sheegay inay arrintaas ku war geliyeen dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka ee Nairobi.

Qolofka gaariga la rumaysan yahay inuu leeyahay Bashiir ayaa isla markiiba laga qaatay goobtii lagu gubay, sida uu sheegay qareenka.

Booliiska ayaa sidoo kale baaraya sida loo gubay gaariga Bashiir, saddex maalmood kaddib markii la waayay, isla markaana sida loo qaatay qolofka gaariga wax ka yar saacad markii uu sarkaal booliis ah oo ka socday saldhigga Kibiku uu booqday goobtaas.

Qareenka ayaa  sheegay in la qariyay wax walba oo lagu ogaan karay sida ay wax u dhaceen, balse ay ka war sugayaan lana shaqeynayaan dowladda Kenya iyo safaaradda Mareykanka.

“Warqad ayaan u qornay, jawaab ayaan ka sugeynaa,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Wuxuu Bashiir ku tilmaamay in uu ahaa nin aad u fiican una dedaal badan, isla markaana uu ku guda jiray howlaha dhismaha, isagoo mashaariic waaweyn ka heystay dowladda Kenya.

Bashiir ayaa labadii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Kenya, isagoo hadba safar aadayay kaddibna imaanayay dalka, sida uu sheegay qareenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here