Qarax ka dhacay degmada Kaxda iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kadib markii qarax lala beegsaday  gaari nooca raaxad ah o marayay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso, uu la kacay gaari Land-Cruiser ah oo halkaas marayay, inkastoo aan weli la xaqiijin cidda qaraxa lagu beegsanayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta tegay, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here