Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo la kulmay dhiggiisa Dalka Urdun

0

Safiirka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Dalka Mareykanka Ali Sharif ayaa la kulmay Dina Kawar oo ah Safiirka Dalka Urdun ee halkaasi.

Kulankaan ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya iyo baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga dhinacyadaasi.

Intii uu socday kulanaasi waxaa kaloo Safiirka Somaaliya iyo gabadha lagu magaacaabo Dina Kawar ay ka wadahadleen,dib u eegista xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo arrimaha danaha guud ee  heer gobol iyo heer caalami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here