Ciidamo lagu soo tababaray Turkiga oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaalia Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxa ay garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyeen Cutubyo ka tirsan Ururka 7-aad ee ciidanka kumaandooska Gorgor oo tababar gaar ah ku soo qaatay dalka Turkiga .

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Bixii ayaa sheegay in Dowladdu ay dadaal galisay dhismaha ciidanka Xoogga dalka, isagoo kaga mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta ciidanka xoogga .

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in hanaanka qoridda kumaandooska gorgor si aad ah looga baaraan dagay, isla markaana ay yihiin ciidan Qaran  oo dadka, dalka iyo diinta in ay difaacaan loo dhaariyay loona carbiyay.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa xusay in Wasaaradda Difaaca oo ka duuleysa tayeynta Ciidanka xoogga dalka dib-u-habeyn balaaran ay ku sameysay ciidanka ,

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa hore ugu guuleysatay tira-koobka ciidanka xoogga , waxaana socda dadaallo xoogan oo ciidanka xoogga ay ku wiiqayaan argagixisada ku dhuumaaleysaneysa qeybo yar oo ka mid ah qaar ka mid ah gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here