Sawirro: Dab khasaare geystay oo ka kacay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab khasaare nafeed iyo mid hantiyeed geystay oo barqanimadii maanta ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa ka dhashay booyad shidaal ku shubeysay kaalinta uu dabku ka billowday, waxaana uu ku sii fiday goobo kale oo ganacsi iyo guryo ka agdhowaa halkaasi.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dabkaasi, waxaana ku basbeelay xarumo ganacsi iyo guri ay daganaayeen caruur agoon ah, sida ay Shabelle u sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa goobta goor dambe tegay gawaarida gurmadka deg dega ah ee dab-damiska, kuwaas oo mar dambe ku guuleystay in damiyaan dabkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here