Sawirro: Heshiis nabadeed oo la kala dhex-dhigay beelo ku dagaalamay Matabaan

0

Heshiis hordhac ah ayaa laga gaaray dagaal-beeleed beryihii dambeeyay ku dhexmarayay labo beelood oo walaalo ah tuulooyin iyo degaanno hoostaga degmada Matabaan oo ka tirsan degmooyinka hoosyimaada gobolka Hiiraan,heshiiskan oo ay ka soo shaqeeyeen duqeyda dhaqanka ee labada beelood oo kaashanayay dhaqanka beelaha kalee deriska la ah labada beel ee ay malleeshiyaadkoodu ku dirirayeen aaggaasi,ayaa sidoo kale waxaa gacan weyn ka geystay heshiiskan islamar ahaantaana soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed,kuwaasoo horay ugu baxay dhiiggaasi daadanayay dabadeedna duqeyda kala shaqeeyay heshiiska hadeer la gaaray.

Abbaanduulaha Ururka 40-aad ee Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee XDS labo xiddigle Maxamed Muumin Cilmi, oo loo yaqaanno  Maxamed Saney, ayaa Radio Muqdisho  waxaa uu uaga warramay heshiiskaas iyo muhiimmadda uu u leeyahay labada beelood iyo Nabadgelyada degaannadaasi oo dhan, isagoo u habbalyeeyay labad dhinac iyo dhammaanba dadkii gacanta ka geystay dhammeynta colaadaasi sokeeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here