Sawirro: Qoor Qoor oo kulan la qaatay xubno ka socda beesha caalamka

0

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Ergayga gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay ee arrimaha Soomaaliya  Ambs James Swan, oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan wakiilada beesha caalamka, sida wakiilka Midawga Afrika iyo wakiillo ka socday EU iyo IGAD.

kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta arrimaha amniga iyo fulinta doorashooyinka dalka ee dhowaan heshiiska looga gaaray magaalada Muqdisho

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimaha bani’aadanimada iyo xaaladda guud ee deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga ka socda beesha caalamka ayaa horey u tegay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, iyaga oo kulamo lasoo qaatay madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here