Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Madaxweynaha Puntland

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka oo lagu wado in uu si rasmi ah berri oo Sabti ah uga furmo Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada dadaallo ku aadan sidii shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu u noqon lahaa mid guul ku dhamaada oo ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah, si loo guda galo arrimha doorashooyinka, isla markaana ay dalka uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Xalay ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here