Sawirro: Rooble oo booqday dhaawacyada la dhigay isbitaalka Madiino

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada dhalinyaradii ku waxyeelloobay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xerada General Dhega Badan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Rooble ayaa mid mid u dul istaagay dhalinyaradan, iyadoo ay uga warbixinayeen xaaladdooda dhaqaatiirta dabiibaysa, isagoo xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ku weheliyey kormerkan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay dhaawacyadu soo gaareen ay u muujiyeen Ra’iisul Wasaaraha sida ay uga go’an tahay in ay dalkooda iyo dadkooda difaacaan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan Al-Shabaab oo weli weeraro ka fuliso magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here