Sawirro:Wasiirka waxbarashada oo la kulmay madaxda jaamacadaha dalka

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Agaasimaha guud Wasaaradda Waxbarshadda Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa la kulmay Madaxda Jaamacaddaha dalka, waxayna iska wareysteen sidii loo kordhin lahaa wada shaqeynta Jaamacaddaha iyo Wasaaradda Waxbarshaadda Soomaaliya, taas oo dowr fiican ka qaadan doonta tayeynta Waxbarshadda Sare ee dalka.

Madaxda Jaamacaddaha ayaa soo dhaweeyey in ay wada shaqen wanaagsan la yeeshaan Wasaaradda Waxbarshadda, diyaarna u yahiin wax kasta oo lagu horumarin karo tayeynta Tacliinta sare ee dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda ayaa kula dardaarmay bahda Jaamacaddaha in ay ka shaqeeyaan sidii ay Waxbarsho taya leh u heli lahaayeen ardayda Somaaliyeed ee dalka gudihiisa wax ku barta, loona heli lahaa hab waafaqsan nidaamka Caalamiga ah ee Waxbasrhadda dhowaan la sameyn doono tiro koob ku saleysan tayada Waxbarshada Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here