Shir looga hadlayey amniga guud oo lagu qabtay magaalada Boosaaso

0

Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka Ciidanka Amniga Gobolka oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaasha Saldhigyada Kala duwan iyo Khuburada Dhinaca Amniga ah Waxaana Diirada Lagu saaray Xoojinta Amniga Gobalka.

kulankaan ayaa la iska wareystay Xaaladda Amniga iyadoo Taliyahasha ay soo bandhigeen Qorshayaasha Amniga iyo dardargalinta waxana dhamaan La faray in ay fajiignaan Xoogan ay muujiyaan sidii ay u sugi lahayeeen Amaanka.

Taliye Xuseen ayaa Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ka dalbaday in la daradar geliyo howlaha sugida amniga ee Gobolka Bari isagoona Faray Saraakiisha in ay Bulshada ku xirnadaan iyagoo shacabkooda u Turaaya Kana Ilaalinaaya Dhibaato ay u geestaan inta ay ku jiraan Howlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here