Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmayo Muqdisho

0

Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ka furmo Muqdisho.

Ita badan Madaxda maamul goboleedyada ee shirkan ka qeyb galeysa ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale la filayo in uu madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen maanta soo gaaro Muqdisho si uu qeyb kaga noqdo shirka.

Shirkan oo ay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkuba aad isha ugu hayaan ayaa dhaqdhaqaaqiisa aad looga dareemayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Caasimadda Muqdisho iyo Warbaahinta Soomaalida qeybaheeda kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here