Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal

0

Wasiirka wasaarada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo uu wehliyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macalin Khaliif oo booqasho ku jooga dalka Cumaan, ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Cumaan Mudane Sayid Badar bin Xamad bin Xamuud.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo arrimaha danta u ah labada dowladood.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday arrimaha Karoona Fayras iyo saameynta uu ku yeeshay dhaqaalaha caalamka, iyagoo is dhaafsaday aragtiyada wax looga qaban karo.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Dr. Cabdiwali Cali Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here