Tirada dhimashada qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho oo korortay

0

Sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage waxaa qaraxii saaka ka dhacay xerada General Dhega-badan ku dhintay ugu yaraan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Dadka dhintay ayuu sheegay inay dhammaantood ahaayeen dhallinyaro dooneysay inay ka mid noqdaan ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna shaaciyey in dhimashada ay haatan gaartay 15 qof oo ka mid ahaa dhalinyaradii loo qorayay ciidanka ee ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale qofka is qarxiyay ayaa la sheegay inuu soo dhex-galay dhallinyarada, xilli ay saf uga jireen koontaroolka laga galo xerada tababarka ciidamada General Dhega-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, waxaa qaraxan sheegatay Xarakada Al-Shabaab oo shaacisay inay ku beegsatay askar cusub oo ku biirayey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here