Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhabo + Sawirro

0

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda fedaraalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee KGS , halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka General Cabaas Amiin iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarrreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji, ayaa magaalada Baydhabo kaga qeybgalayo Tababar loo soo Xeri doonno Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato hoggaanka Koonfur Galbeed, isaga oo kala hadli doono howl-gallada ka socda gobollada Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here