Wasiir Beyle oo aaladda fogaan aragga uga qeyb-galay shir muhiim ah + Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Afrika ayaa tilmaamay in maanta ay u ahayd maalin kale oo muhiim ah, ayna sii socdaan wadahadallada iyo warbixinnada ay la wadaagayaan IMF iyo Bangiga Adduunka xili lagu guda jiro Shirka Sanadlaha ah.

“Waxa aan ka doodnay maanta halka ay marayaan howlaha kala ah dhameystirka dib-u-habeynta Maaliyadda, Mashaariicda ay ka fuliyaan Soomaaliya IMF/Bangiga Aduunka iyo sida loo gaari karo horumar waara oo ay helaan dadka Soomaaliyeed inkasta oo uu COVID-19 saameyn Dhaqaale nagu yeeshay”.ayuu yiri Wasiir Beyle.
  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here