Wasiir Xundubey oo si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee Muqdisho

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Xasan Xundubeey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xilligaan aan loo baahneyn dagaal sokeeye oo ka dhaca dalka, kaasi oo shacabka u horseeda burbur iyo barakac hor leh.

Wasiirka ayaa xusay In aysan jirin qorshe dagaal oo dowladda ay dooneyso in ay ku qaado cid gaar ah, isaga oo intaa daray in ay jiraan dad k ka shaqeynaya abaabul dagaal Iyo in ay kala furfuraan ciidaamada Qaranka, iyaga oo adeegsanaya nidaam qabiil.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale, waxa uu soo jeediyay in laga waantoobo fal kasta oo dhibaato u abuuri karo shacabka nabdoon, isla markaana la ilaaliyo sharciga iyo Amniga guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here