Xildhibaan Cabdixakiin oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika

0

Shirka Baarlamaannada Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaasi oo ay ka qeyb galeen ilaa iyo shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo la hadashay Warbaahinta ayaa xustay in shirka uu maanta ka furmay dalka Koonfur Afrika, kaasi oo lagu dooran doona guddi hoosaadyada iyo xubno kale.

“Waxaa maanta furmay baarlamaanka Pan Afrika, kalfadhiga 4aad fadhigiisa 5aad, ayaa noo furmay, waxaan geli doonaa maanta wixii ka dambeeya doorashada guddiyada iyo tan Madaxweynaha, waxaana rajeynayaa in Soomaaliya ay qeyb muhiim ah ku yeelato”. Ayay tiri Xildhibaan Sacdiyo.

Xildhibaan Cabdicasiis Cabdulaahi Maxamed oo isna ka mid ah wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya uga qeyb galaya shirka baarlamaannada Afrika ee fadhigiisu yahay dalka Koonfur Afrika ayaa tilmaamay in ajandayaasha shirka looga hadli doono ay ugu horeyso saameynta dhaqaale ee cudurka COVID-19 iyo arrimo kale.

“Waxaa la dooran doonaa guddoonka baarlamaanka oo shan ah, kuwaasi oo ka kooban shan dal, waxaa horey u baaqday arrimaha COVID-19 dartiis ilaa iyo afar shir, marka waxaan rajeynayaa in shirka uu si hagaagsan noogu soo idlaado, waxyaabaha laga hadlayo waxaa ugu muhiimsan caqabadaha dhaqaale ee uu Qaaradda Afrika ku keenay cudurka COVID-19, waxaana uu shirka socon doonaa ilaa 4-ta bisha June”. Ayuu yiri Xildhibaan Cabdicasiis.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka ayaa u sharaxan Madaxweynaha Pan African Parliament.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here