Xiriirka Ururada Shaqaalaha oo fariin u diray shaqaala-weynaha Soomaaliyeed

0

Maanta oo ay taariiqdu ku beegantahay 1-May ,waxaa caalamka iyo Soomaaliyaba laga xusaa maalinta shaqaalaha aduunka, madaxda Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaliyeed (FESTU) ayaa dhamaan shaqaalaha Soomaliyeed u diray hambalyada ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka.

Xoghayaha guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaliyeed (Festu) Cumar Faruq Cisman oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in sanadkaan aysan jirin munaasabado laisugu imaanayo oo lagu xusayo maalintaan sababo laxiriira cudurka Covid-19 awgiisa.

”Sanad walbaa maalintaan oo kale waxaa lasameeyaa isu imaatin aad uweyn oo lagu weyneynayo maalintaan, laakiin sidaa ognahay cudurka Covid-19 ayaa waxa uu noqday musiibo halaagtay aduunyada oo dhan oo aan noo saamaxayn inaa isku imaano oo aan dabaaldegno”

Dhanka kale waxa uu sheegay in ururka FESTU uu xilweyn iska saaray siduu marwalba ugu dadaali lahaa in shaqaalaha Soomaliyeed ay helaan xaqa iyo xaquuqda ay leeyihiin.

Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa ugu baaqay loo shaqeeyayasha inay dhowraan xaqa ay shaqaalaha ay leeyihiin oo aysan kaga faaideysanin xaalada adage e uu dalku maraayo, gaar ahaan inaanan mushaaraadkooda iyo xuquuqdooda shaqo aan waxba laga dhimin. 

Ururka FESTU wuxuu sheegay inuu marna ka leexan doonin difaacitaanka xuquuqda shaqaalaha weynaha Soomaaliyeed, ayadoo hogaanka ururka ay diginin u direen kuwa ku xadgudba xuquuqda shaqaalaha. 

Gudoomiyaha Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaliyeed (FESTU) Axmed Cusmaan Siciid ayaa isna dhankiisa sheegay inay muhiim tahay xilligaan in xil gooni ah laiska saaro xaquuqda shaqaalaha Soomaliyeed maadaama uu dunida dhibaato ku hayo cudurka Covid-19.

” Dhamaan xarumaha shaqooyinka iyo hay’adaha shaqaaluhu ushaqeeyaan inay xil gaar ah iska saaraan xaalada adaga ay shaqaaluhu ku shaqeynayaan oo ay ilaaliyaan badqabkooda”

Ugu danbeyn Munaasabdihii lagu xusi jiray maalinta shaqaalaha Aduunka ayaan laqaban sanadkii labaad oo xiriir ah sababo ku aadan saameynta cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here