Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ku dhowaaqay isbaheysi cusub

0

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa ku dhowaaqay inay isbaheysi sameysanayaan kadib markii ay kuraasta ugu badan ka haleen doorashooyinkii Somaliland ka dhacay 31-kii May.

Xisbiga Waddani ayaa noqday kan ugu kuraasta badan Golaha Wakiilada Somaliland wuxuuna helay 31 kursi, halka Xisbiga Ucid oo galay kaalinta saddexaad uu helay 21. Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa helay 30 kursi.

Marka la isku geeyo, labada xisbi ayaa helay 52 kursi, ama 63% aqlabiyadda Golaha Wakiilada. Waxay sidoo kale guulo kasoo hooyeen golayaasha deegaanka.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada xisbi ayaa lagu yiri ““Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku hananayaan hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka dalka.”

“Labada Xisbi ayaa haysta aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada magaalooyinka waaweyn ee muhiimka ah.”

Labada xisbi ayaa magacaabay guddi ka kooban 10 xubnood, oo xisbigiiba ay ka socdaan 5 xubnood, kuwaas oo ka shaqeynaya hoggaaminta Golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here