Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay howl-gallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Odowaa Yuusuf Raage oo ah taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howl-galladaasi oo laga sameeyey deegaanada War-Ciise iyo Gal-labashiir lagu dilay illaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ciidamada milatariga Soomaaliya ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here