Ciidamada Ahlu Sunna oo gudaha u galay magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen magaalada, halkaas oo  ay haatan ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne oo soo dhoweeyey dib usoo laabashada  Ahlusunna Waljamaaca.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax dagaal ah uusan ka dhicin Guriceel, islamarkaana ay si nabad ah uga baxeen ciidamadii booliska ee ku sugnaa magaaladaasi

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib maalin kahor dagaal culus oo Ahlu Sunna iyo ciiddamada dowladda ku dhexmaray tuulada Bohol oo 20km u jirta magaalada Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here