Puntland iyo Galmudug oo ka shiray Amniga Magaalada Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Maamulka Puntland Sareeye guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa booqasho ku tagay Saldhiga bartamaha magaalada Galkacayo qaybta Galmudug.

Taliye Cadi Yare waxaa ku soo dhaweeyay Saldhiga bartamaha Taliyeyaasha qaybta Gobolka mudug ee Galmudug Gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire iyo Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali, Taliyaha taraafikada Galmudug  Aadan Urur,Taliye ku xigeenka qeybta gobolka G/dhexe Mudug Cabdi Saciid xussen {Koomaad}.

Saraakiisha Booliska Puntland iyo Galmudug ayaa wada yeeshay Shir looga hadlayay Xaalada Amni ee labadan dhinac dardar galinta adkaynta amniga Gobolka iyo Xoojinta wadashaqayneed ee laamaha kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sareeye guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa saraakiisha labada dhinac waxa ay  uga warameen sida Amniga Gobolka Mudug uga wada shaqeeyaan  iyagoo tilmaamay in ay Guulo waawayn ka gaareen  ciribtirka waxkasta oo lidku ahaa Amniga Gobolka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sareeye guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa u mahadceliyay Saraakiisha Booliska labada dhinac isago ku booriyay inay balkaas wada shaynta ka sii wadaan.

Geba-gabadii Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa booqday Xafiiska CID ee Gobolka Mudug taas oo ay ka socotay shaqo baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here