Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo booqasho ku tegay magaalada Balcad

0

BALCAD (SMN) -Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar howleed ku tagay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale, ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amni nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan.

Sidoo kale waxa uu kormeeray halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda, gaar ahaan dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here