Dayniile oo u gudubtay wareega saddexaad ee tartan aqooneedka Shabelle

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolkan Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A ee wareega labaad ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan qurux badan, waxaana ay guushu raacday tartamayaasha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

Howl-wadaag oo laga adkaaday ayaa heshay 4 dhibcood, halka Dayniile ay keensatay 10 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Degmada Dayniile ayaa sidaas ku noqotay degmadii ugu dambeysay ee u gudubta wareega saddexaad ee tartanka, waxaana wareegan horey isaga sii xaadiriyey illaa lix degmo.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here